Xukuumada iyo Golaha Baarlamaanka oo Isku Raacay in Sanadka Soo aadan Gudaha Dalka lagu qaban Karin Doorasho.

Kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Baarlamaanka Somalia, Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu go’aamiyay in dalka aysan ka dhici karin sanadka 2016-ka doorasho qof iyo cod.

Xarunta Golaha Shacabka ah oo lagu qabtay kulan lagu falanqeenayey sida laga yeelayo doorashooyinka laga qabto Soomaaliya ayaa R/wasaare Cumar sheegay taasi inay suurtagal ahayn, iyadoo maalinat berita ah kulan looga hadlaayo higsiga ka lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho.

R/wasaaraaha ayaa farta ku godey in loo baahanyahay shirar wadatashiya ah oo laga yeesho arimaha soo socda si looga gudbo kaas oo ay ka qaybgalaan Madaxda Maamul goboleedyada Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in waqtiga la joogo ay muhiim tahay inay midoobaan labada Gole ee Dowladda si looga tashado qorshaha Dowladda ee sanadka 2016-ka.

Siyaasiyiin badan ayaa horey u shaaciyey in gudaha Soomaaliya aan lagu qaban karin doorasho hal qof iyo hal cod snadka-ka, waxaana hada Madaxda dowlada ay wadaan qorshe ku aadan in mudo kordhin loo sameeyo Hay’adaha Dowlada.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise