U.S. Defense Secretary Robert M. Gates and other NATO Ministers of Defense and of Foreign Affairs met together at NATO headquarters to give final political guidance in preparation for the meeting of Allied Heads of State and Government at the upcoming NATO Summit in Lisbon, Portugal in November in Brussels, Belgium, on Thursday October 14, 2010. DOD photo by Master Sgt. Jerry Morrison(RELEASED)

Mareekanka iyo Turki oo Heshiis Horu dhac ka Gaaray Ladagaalanka Kooxda ISIS.

Dowladaha Turkiga iyo Mareekanka ayaa gaaray heshiis horu dhac ah oo ku saabsan ladagaalanka Kooxda ISIS ee ka dagaalanta wadamo ay ka midyihiin Ciraaq iyo Siiriya.

Dowladahan ayaa isku raacay in kooxdan laga saaro guud ahaan deegaanada ku dhow xuduuda Siiya iyo turki islamarkaana la sameeyo dhul ballaaran oo ka feejigan weerarada Kooxda ISIS.

Hindisahana ayaa waxa soo dejisay Dowlada Turki oo dooneysa in guud ahaan xuduudeeda laga fogeeyo Dagaalyahaanada ISIS balse qorshahan waxa kasoo horjeeda kooxha kurdiyiinta ah oo qaba in Dowlada ay dooneyso dhulballaarsi inay ku sameyso goobaha ay kurdiyiintu ka taliyaan.

Turkiga ayaa todobaadkan bilaabay inuu duqeeyo xarumaha kooxda PKK ee waqooyiga Ciraaq iyo Siiriya. PKK oo ah urur Kurdida leeyihiin ayaa muddo dheer kasoo dagaalamayey dalka Turkiga gudihiisa, waxaana todobaadkan burburay xabad joojin ay la lahaayeen dowlada Turkiga tan iyo sanadkii 2012.

 

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise