Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Sheegay in Sanada Soo aadan Soomaliya ay Kadhici Doonin Doorashao xOr ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo shalay ka hadlayey kulan Muqdisho ay ku yeesheen Baarlamaanka ayaa sheegay in sanada 2016ka wadanka ay ka dhici doonin doorasho xalaal ah oo qof iyo codkiisa ah.

Jawaari ayaa tilmaamay in guud ahaanba hay’adaha ka jira wadanka ay ogyohiin in dorasho qof walba uu ka qayb qaato wadanka ay kasuura geli karin Doorasho inay dhacdo.

“Waxaa isku raacsanahay ama la og yahay Xukuumaddana ogtahay, qof kasta oo Soomaali og yahay in 2016 Agosto kadib in aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod, waxaa kaloo ognahay dastuuriyan Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo illaa dhamaan intii la doortay September 10-keeda sanadka 2016 in xilkii naga wada dhamaaday”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Xillibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa soo jeediyey in xil kordhin loo sameeyo Baarlamaanka hada jira si loo diyaariyo doorashada wadanka ka dhici doonta.

Madaxda Dowlada qaarkood ayaa dadaalaya dadaal ugu jira in xilka loo kordhiya Ha’adaha Dowliga ah ee hada shaqqeenaya, hase ahaatee madaxdaasi qaarkood iyo Beesha Caalamka ayaa inta badan sheega in wax xil kordhin ah aan la sameen doonin marka la gaaro Semtembar sanadka soo aadan.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise