Ethiopia's Prime Minister Hailemariam Desalegn (R) applauds comments in Amharic language by U.S. President Barack Obama (L) during their news conference at the National Palace in Addis Ababa, Ethiopia July 27, 2015. The economy of Ethiopia is forecast to expand by more than 10 percent, although rights groups say Addis Ababa's achievements are at the expense of political freedom. REUTERS/Jonathan Ernst

Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Mareekanka Obama oo ku sugan Wadanka Ethopia ayaa kulan looga hadlayey la dagaalanka Alshabaab iyo guud ahaanba kooxh argagaxisada ee ka jira Geeska afkika kala hadlay R/wasaaraha Ethopia Hailemariam Desalagn.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Magaalada Addis Ababa ayuu Obama kusoo hadal qaaday in Itoobiya qatar badan ay wajaheyso isagoona ku bagaadiyey dorka ay ku leedahay ladagaalanka Xarakada shabaab.

Obama ayaa cambaareeyay weerarkii shalay Al-Shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel ay degaan Diblomaasiyiinta, wuxuuna sheegay in Al-Shabaab u taagan tahay inay wax bur buriso, waxna disho.

“Ma jirto baahi aan ciidamo u geyno Soomaaliya, ciidamada Itoobiya ayaa dagaalka aad xariif uga ah, kuwa Kenya iyo Uganda waxaa ka go’an inay howsha qabtaan, iskashiga dhinaca ammaanka waa mid ku wajahan caabinta xagjirnimada gacan ka hadalka wadata, Itoobiya halis weyn ayay qabtaa, Qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay wuxuu na xusuusinayaa in Al-Shabaab u taagan tahay inay wax bur buriso, waa inaan joojinaa”ayuu yiri Barack Obama.

Obama ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeey ee Mareekan ah oo Xil haya oo booqda Wadanka Ethopia.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise