Ciidamo Yahuudi ah oo Weerary Masjidaka Alaqsa.

Ciidamada Yahuuda ayaa weerar ku qaaday Masjidaka Alaqsa ee ku yaala Magaalada Qudus Dhulka Falastin.

Weerarka ayaa yimid aka dib markii ay isku dhaceen dhalanyaro falastiiniyiin ah oo dhagxaan iyo bambaanooyin ku tuuray islamarakaan xirtay wadooyinka Masaajidka soo gal iyo Ciidamada Yahuuda.

Ciidamada Yahuuda ayaa jirdil iyo dhibaato xoogan kula kacay Dad Muslimiin ahaa oo gudha ugu jiray Masjidka Barakeysan ee Al-aqsa.

Dhalanyarada Muslimiinta ayaa dooneysay inay Yahuuda ka hor istaagto inay soo galaan wadooyinka masaajidka soo gala.

Falastiiniyiinta ayaa kasoo horjeeday inay Yuhuuda soo galaan qeybo kamid ah dhulka Masaajidka, xili shalay ay Yuhuuda xus diimeed ku qabanayeen darbiga ay ku cibaadeystaan oo ku hoos yaal buurta uu ku yaal Masjid Al Aqsa.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise