Dowlada Shiinaha oo Sheegtay in Qaraxii Shalay uu ku Geeriyoodey…..

Dowlada Shiinaha ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in Sarkaal ka tirsanaa Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Jasiira ee Muqdisho.

Safaarad Shiinaha ayaa ku dhex tiilay Hotel Jaziira oo shalay lagu weeraray gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo gestay khasaare kala duwan.

War kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee Shiinaha ayaa lagu acdeey dhimashada sarkaalkaas islamarkaana ay ka xuntahay Dowlada shiinaha, shaqaalaha kale ee ka mid ahaa safaaradaay bad qabaan.

Warkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu dhaawac soo gaaray seddax ka mid ah shaqaalaha Samafalka ee Shiinaha oo caafimaad dibada loo qaadi doono.

Safaarada Shiinaha ayaa Mudo hal san ah wadanka ka furan, waxaana la xiray markii ay burburtay Dowladaii dhexe ee Soomaaliya.

 

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise