Mareekanka oo Cambaareeyey Weerarkii Hotel Jaziira.

Aqalka Cad ee looga arimiyo Mareekanka ayaa ka hadlay weerarkii Maalintii shalay lagu qaaday Hotel Jasiira oo ku yaala Muqdisho.

Afahayeenka Gudiga Amaanka qaranka Mareekanka Ned Price ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyey weerarkaasi isagoona ku tilmaamay mid bahalnima ah.

Afahayeenka ayaa qiray in Soomaaliya horumar wanaagsan laga sameeyey dhinaca amniga isagaoona sidoo kale qiray inay weli jiraan kooxo argagaxisa ah oo wada fal uu ku tilmaamay kuwo lagu dhibaateenayo Umada Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedka ayaa sido kale waxa uu ku sheegay in Dowlada Mareekanka ay garab taagantahay Dowlada Fedaraalka iyo Dowladaha Deriska ayna kala shaqeen doonaan sida loo soo afjari lahaa Dagaalada laguka jiro kooxaha argagaxisada.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise