Dagaal Askar badan ay ku hoobatay oo ka socda inta u dhaxeysa degmooyinka

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Al Shabab iyo Ciidamadda Dowlada Soomaaliya ayaa ka socda Deegaanka Carracase oo u dhaxeeya Magaaladda Garbahareey iyo Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Warar laga helaayo dadka deegaanka waxay sheegeen in La isku adeegsanayo Madaafiic Xoogan oo ku soo dhaceysa Halka Dagaalka uu ka socdo.

Ciidamadda Dowlada oo kaashanaya Kuwa AMISOM ayaa beryahan waday howlgal culus oo ka dhan ah Al Shabab iyagga oo Kooxda kala wareegay toddobaadkii hore Magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor, ayaa waxa la sheegayaa dhimasho 13 askari oo isugu jira dhinacyada dagalama iyo dhawaac badan.
Al Shabaab ayaa caadi u ah in ay magaalo ka baxdo ka dibna ay ku sameyso jid gooyo ama cuna qabateyn.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise