Ninkii Kooxda Daacish u qaabilsanaa Xukunada Sur goynta oo Baxsaday.

Jihaadiistahan oo u dhashay Wadanka Engiriiska ayaa Kooxda Daacish u qaabilsana Surgoyta Maxaabiista ayaa lasoo sheegayaa inuu ka baxsaday kooxda.

Ninkan oo lagu magacaabo Mohamed mwasi oo lagu naaneeso john ayaa Wargeyska Mirror ilo wareedyo la hadlay sheegayaan inuu baxsaday jihaadiistaha kaas oo ku dhax dhuumaaleysanaya gudaha Siiriya.

Baxsadka john ayaa ka dambeeyey ka dib markii Ciidamo ka kala socda Mareekanka iyo Britan ay gaareen Cirqqa iyo Siiriya si ay gacanta ugu soo dhigaan u qaabilsanihii Surgoynta kooxda Daacish.

John ayaa marar badan kasoo dhexe muuqday Tv-yada Caalamka iyo baraha internetka oo Daacish ay u adeegsato inay kusoo bandhigaan xukunada qooqgoyta ah ee ay ku fuliyaan Maxaabiista gacanta ay ku hayaan.

Waxaa la rumeysanyahay in ninkan uu ubaxsaday Wadanka Liibiya si uu uga nabad galo Ciidamada sida weyn u doon doonaya.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise