Sarkaal Ka Tirsanaa Xafiiiska R/wasaaraha oo Goor dhow lagu Toogtay Muqdisho.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa Muqdisho waxay Dil ugu geysteen Sarkaal ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha Xukuumada fedaraalakaa ee Soomaaliya.

Dilka ayaa sida la sheegay waxa uu ka dhacay Meel ku dow Masjidka Macalin Nuur ee Degmada Dharkiinlay ee Gobolka Banaadir.

Waxaana Dilka Mas’uulkan oo lagu magacaabi jiray Saciid Cali Saalax ka dambeeyey kooxo ku hubeysan bistoolado oo dilka ka dib goobta isaga baxsaday.

Markii uu dilka dhacay ayaa Sarkaalkan waxa uu saarnaa gaari nooca yar yar ah oo, waxaan lasoo sheegayaa in markaas uu kusii jeeday goobtiisa shaqada.

Degmada dharkiinley ee gobolka Banaadir ayaa waxa kusoo badanaya dilka loo geysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan xafiiska R/wasaaraha.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise