Dad Shacab ah oo lagu Dilay Duqeyn lala Eegtay Gaadiid ay ay ku Barakacayeen.

Wararka ka imaanaya Degmada Buurhakaba e Gobolka Baay ayaa sheegaya in Duqeyn xoogan lala eegtay dad shacab ah oo ka barakacayey colaada ka jirata Gobalada Bay iyo Bakool.

Duqeynta oo sida lasoo sheegayo ka dhacday dhulka howdka ah ee Buur hakaba ayaa waxyeelo gaarsiisay barakacayaal saarnaa gaari nooca homeyga ah.

Warar iskhilaafsan ayaa kasoo baxaya qaabka uu u dhacay weerarka iyo cida ka dambeysay.

Diyaarado laga leeyahay wadanka Ethopia ayaa la sheegay inay duqeeyeen gawaaridan ay saarnaayeen shacabka, halka wararka qaarna ay sheegayaan in Ciidamada Huwanta ah ee iska garabsanaya dagaalada lagula jiro shabaab ay madaafiic ku dhufteen caasiga.

Inka badan 10 qof ayaa ku geeriyootay oo 4 ka mid ah ay ahaayeen caruur halka tirada kale ee soo hartayna ay ahaayeen haween iyo rag.

Gobalada Bay iyo Bakool ayaa maalmihii ugu dambeeyey laga soo sheegayey dhibaatooyin ay la kulmayeen shacabka ku barakacaya dagaalada oo ay kala kulamayaan ciidamada itopia.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise