Madaxweyne Obama oo Kulan Casha ah Nairobe kula qaatay Qoyskiisa (sawiro).

Madaxweynaha Dalka Mareekanka Obama oo Maalintii shalay soo gaaray Caasimada Kenya ee Nairobe ayaa xalay kulan casha ah waxa hotel kuyaala Nairobe kul qaatay Qoyskiisa.

Obama oo dhuula cadeynaya ayaa xog wareysi waxa halkaasi kula sameeyey Walaashiis ku Aabaha ah Auma Obama iyo ayeeyadii Mama Sarahiyo.

Madaxweynaha Mareekanka ayaa si gaar ah u qaabilay qoyskiisa mana jirin mas’ul ku wehlinayey cashada uu qoyskiisa la qaatay.

Waxaa lagu wadaa inuu Maanta furo shirka ganacsiga aduunka oo ay marti gelisay Dowlada Kenya, isagaoona qudbad looga hadlayo dhiragelinta Ganacsiga u jeedin doona kasoo qaybgalayaasha.

Labada Madaxweyne ee Kenya iyo Mareekanka ayaa kulan gaar ah oo laba geesood ah ku yeelan doona halkaasi waxaana lagu wadaa inay ka wada hadlaan amaank gobolka iyo la dagaalanka Xarakada shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Obama ayaa booqan doona taaladii loo dhisay dadkii ku geeriyoodey qaraxii lagu qaaday safaaradii Mareekanka ee Nairobi.

Marka uu soo dhamaeysto Safarka Obama oo sidoo kale qayb ka ah inuu qudbada u jeediyo Shacabka reer Kiinaya ayaa lagu wadaa inuu gaaro caasimada Ethopia ee Addis ababa oo ay noqon doonto madaxweynihii ugu horeeyey ee Mareekan ah oo booqda Kenya.

Amaanka Nairobe ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana hakad ku jira isa socodka shacabka iyo gaadiidka.

Obama

obama-diner-1 obama-diner-3

125219

414

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise