Dawlada Sacudiga oo gaartay ujeedadii ay u gashay dagaalka Yaman

Ujeedada kaliya ee Dowlada Sacuudiga u gashay dagaalka Yeman ayaa ah inay hor istaagaan awooda sii kordheysa ee kooxda xuutiyiinta kuwaasoo asalkoodu yihiin shiico taageero ka helaya dowlada Iiraan.

Sidoo kale ujeedada Dowlada sacuudiga ayaa ahaa inay dib u soo nooleeyaan awooda dowlada Yemen ee Madaxweynaha uu ka yahay Cabdulrabi Mansuur Hadi kaasoo ka cararay dalkiisa si uu uga badbaado xuutiyiinta oo dalka intiisa badan soo qabsday.

Sacuudiga ayaa bilihii ugu danbeeyay duqeyn ku waday xuutiyiinta ayaa iminka guulihii ay rabtay u gaareysa si tartiib tartiib ah.
Magaalada Cadan oo ah halkii uu daganaa Madaxweynaha Yemen Cabdulrabi Mansuur Hadi ayaa si buuxda ugu soo gacan gashay Dowlada Yemen iyo maleeshiyaadka taageersan kuwaasoo doraad xaafadii ugu danbeysay ka saaray maleeshiyaadka xuutiyiinta.

Xaafada Masheeq ee Magaalada Cadan ayaa ahayd halkii ugu danbeysay oo xuutiyiinta laga saaray doraad waxaana ku yaal madaxtooyadii uu ka cararay Madaxweynaha ,si kastaba waxaa bilowday ifafaalo dib u soo kicinaya dowaladnimadii Madaxweyne Cabdulrabi Mansuur Hadi.

Sidoo kale Magaalada Cadan waxaa dib looga howlgeliyay Garoonka diyaaradaha halkaasoo dhawaan lagala wareegay xuutiyiiinta waxaana durba ka soo degatay diyaarad Sacuudiga ka timid taasoo keentay sahay Milateri iyo agab kale.

Dib ula wareegitaanka Cadan waxay soo dedejineysa dib u soo kabashada Dowlada Madaxweynaha Cabdulrabi Mansuur Hadi waxaana hada Magaaladaasi ku soo laabtay Wasiiro ,xildhibaano iyo saraakiil sar sare oo ciidanka ka tirsan sida Wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha Sirdoonka Yemen kuwaasoo dib shaqadooda uga bilaabay Cadan.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise