Al Shabaab oo shirqool aan horey looga baran oo ciidamo badan ku laysay agagaarka degmada diinsoor

Wararka aan ka heleyno magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay dabino cusub u dhigeen Ciidamada Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo kuwa AMISOM.

Dagalamayaasha Al Shabaab ayaa la sheegayaa inay kusoo labisteen dareeska rasmiga ah oo ay wataan Ciidamada DF iyo gaadiidkii ay dhawaan ka qabsadeen, iyaga oo iska dhigaaya Ciidamo ka tirsan Dowlada ayay ku biireen Cutubyo ka tirsan Ciidamada Militeriga sidaana ay ku fuliyeen weerar ay ku nafwaayen Ciidamo farabadan oo soomaali iyo Amissom isugu jira kaas oo dhacay duleedka Diinsoor.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashada ciidamada dawladda ay gaareyso 13 askari kuwa Amissom ayna lagu sheegay ilaa afar askari kuwaas oo xeelada cusub lagu dilay.

Al Shabaab ayaa diyaar u ah in ay daba maryeeyaan ciidamada Hubanta meelihii ay soo qasadeen in ay ku go’doomiyaan.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise