Wasiirka gaashaan dhigga oo sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta degmo muhim ah

Wasiirka Wasaaradda Gahaan Dhiga Somaliya, General C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay si buuxdo ula wareegen gacan ku haynta Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay oo maalmahan danbe dagaalka aas ka socday.
Ciidamada Hubanta, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii gaaray duleedyada Degmadaasi, taa oo keentay inay isaga baxaan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, iyadoo aynaan wax rasaas ihi dhicin.
Wasiirka, ayaa ku waramaaya ciidamada is garabsanaya ay Ururka Al Shabaab kala wareegay Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor, xilli uu culeys ka soo fuulay Ciidanka Xooga Dalka & Xoogaga Nabad Ilaalinta Mudowga Afrika.
Mudane Diini ayaa bidhaamiyay in bulshada ku dhaqan dhulka laga saaraayo Shabaab, ay iyagu yihiin kuwa Maamulada u soo dhisanaaya Deegaanadooda, oo aynaan Dowladdu u soo magacaabi doonin.
Al Shabaabka, ayaa durbaba dib ugu soo laabtay Wadooyinka soo gala Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor, waxayna u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay go’doomiyaan Degmooyinkaasi sida horey looga bartay.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise