Safiir cusub oo loo soo magacaby Soomaaliya

Maanta wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Lucas Kyonze Tumbo.

Wasiir hadliye iyo Safiirka cusub oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa waxa ay xuseen horumarka uu gaaray xiriirka taariikhiga ah iyo midka derisnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa waxay taariikhda ku cad inuu ku bilowday 11-kii bishii December ee sanadkii 1963-kii taas oo ah muddo dheer.

Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag ah. Kenya waxay kaloo ka mid tahay Wadamada Midowga Afrika ee ciidamadu ka jooggaan dalka.

Beeraleyda Kenya waxa maalintii Soomaaliya ka soo gasha malaayin lacag taas oo ay dhaafsadaan jaadka Soomaalida jahwareer iyo waali ku riday.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise