Madaxda Beesha Caalamka ee Soomaaliya uga Wakiilka ah iyo Madaxda Dalka oo Gaaray Caadaado.

Wafdi uu hugaaminayo Madaxweynaha Dowlada fedaraalka ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan labada gole ee Dowlada, waxaana lagu wadaa inay ka qayb qaataan Caleema saarka Madaxweynaha Maaulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale Waxaa Cadaado agaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamukiisa oo iyagana lagu wado inay ka qayb qaataan Xaflada Caleema Saaka Guuleed.

Hada Cadaado waxa ku wada sugan Mas’uuliyiinta Dowlada fedaraalka, Mas’uuliyiin ka socda Maamul gobaleedyada qaarkood iyo xubnaha beesha Caalam uga wakiilka ah oo ay ka mid yihiin Nichlos key iyo Maxamed Cabdi Sfey oo kala matalaya Qaramada Midoobay iyo Urur goboleedka Igad.

Dhamaan Mas’uuliyiintaas ayaa hada ku diyaarsan goob horey loo sii diyaarirey oo ay ka dheceyso Xaflada Caleema saarka C/kariin Xuseen Guuleed.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise