Xabsiga Ku Yaala Wadanka Cuba ee Guantanamo oo lagu dhawaaqay in La xari doona.

Afahayeen u hadlay aqalka Cad ee Mareekanka ayaa sheegay in heer gaba gaba ah uu marayo dadaalkii lagu doonayey in lagu xiro Xabsiga Guantanama Bay ee ku yaal Cuba.

Ka dib tobanaan sano ayaa xabsigan lagu wadaaa in albaabada loo laabo kaas oo ay ku xiranyihiin maxaabiis badan oo loo heysto dambiyada argagaxisada.

Madaxweynaha Mareekanka ayaa markii uu waday ololaha doorshada Madaxtanimo ee Mareekanka ayaa ololihiisa ku sheegay in uu xiri dooni xabsigan oo ku yaala Cuba.

Laakiin waxaa arrintaas ka hor yimid Aqalka Congress-ka oo walaac ka muujiyay in maxaabiista xabsigaas loo soo wareejiyo gudaha dalka Mareykanka.

Maxaabiis badan oo ku xirna xabsigaas ayaa la sii daayay, waxaana badankood la geeyay dalal ay asal ahaan ka soo jeedaan iyo dalal kale.

Xabsigan ayaa waxaa lagu hayay maxaabiista aan la soo taagin Maxkamad waxaana kuwo ugu badan laga soo qabtay dalalka Ciraaq Afghanistan Pakistan iyo dalal kale.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise