Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom oo la Wareegay qayb ka mid ah Baadheere.

Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada Fedaraalka ayaa Maanta la wareegay qayb ka mid ah Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ka dib markii ay isaga baxeen Dagaalyahaanada Shabaab.

Ciidamada la wareegay Baardheere ayaa kasoo ruqaansaday deegaanka faafaxdhuun oo qiyaastii 80 km u jirta Degmadan, xilli ay lasoo kulmeen dagaalo xoogam oo kaga imaanayey xoogaga shabaab ka tirsan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Siyaad Axmed Aadan ayaa sheegay in abaarihii 2-dii duhurnimo ay gudaha u galeen Baardheere isagoo xusay in qeybta kalena ay sugayaan inay soo galaan Ciidamada kale.

“Inteeda xooga leh magaalada anagaa joogna, qeyb ayaa ka galnay oo ah dhinaca Buundada oo ah meelihii laga xukumayay, waxaa fileynaa in qeybta kale ay ciidamada saaxibadeena inay soo galaan”ayuu yiri Siyaad Axmed Aadan oo ak tirsan saraakiisha Ciidamada dowlada ee hugaaminaya dagaalka.

Ciidamo ka tirsan kuwo Ithopia ayaa lagu wadaa inay iyaga Baardheere ay kasoo galaan Bariga Baardheere.

Dagaalyahaano ka tirsan Shabaab ayaa weli ku dhex jira Degmada gudaheed oo weli ay gaarin Ciidamad isgarabsanaya.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise