Amisom “Marka dadka lagu dilay waxay ahaayeen Shabaab Xero Ku tababaranayey”.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Gumaadka badan Amisom ee ku marmarsiyoonaya inay nabad ilaalin u joogaan Soomaaliya ayaa ku sheegay in Marka shalay ay ku dileen niman shabaab ah oo ay bacsanayeen.

Warka qoraalka ah ayaa lagu muujiyey in Ciidamada amisom ay howlgal ka seemeenayeen Xaafada Dujuumo islamarkaana halkaasi ay ku taalo xero ciidan oo lagu tababaro alshabaab sidaasna ay ku weerareen.

Dadka ay laaysay ayaa tira ahaan ay ku sheegtay qoraalka inay gaarayaan shan ruux oo uu ku jirey sarkaal lagu magacaabo Maxamed Daahir.

Amisom ayaa sida looga bartay Beentooda waxay iska indha tirayaan dhibaatadii shalay ay ka geysteen Degmada Marka oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dadka la dilay waxaa ku jiray haween guryahooda lagu dilay iyo dhalanyaro si bareer ah rasaas loogu furay.

Sida muuqata Amisom ayaan jirin cid kula xisaabtami karta dhibaatada ay ka geysanayaan gudaha soomaaliya, waxaana horay u jiray dhibaatooyin ay ka geysteen goobo ku yaala Soomaaliya.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise