Sarkaal ka Tirsan Alqaacida oo Lagu Dilay Duqeyn Diyaaradeed.

Wasaarada Mareekanka ayaa shalay shaacisay inay Dileen Sarkaal ka tirsanaa Alqaacida.

Muhsin al-Fadli ayaa lagu tilmaamaa hogaamiyayasha Al Qacida ugu khatarsan sida Maraykanka sheego, wuxuuna in muddo ah ku sugnaa dalka Siiriya, waxaana la sheegay inuu abaabulayey weeraro ka dhan ah reer Galbeedka.

Maaha markii ugu horeysay oo uu Maraykanka sheego inuu dilay hogaamiyahan, bishii September ee sanadkii hore 2014 ayuu Maraykanka sidan oo kale u sheegtay inuu duqeyn ku dilay Muhsin al-Fadli, balse arrintaasi ayaa markii danbe beenowday.

Maraykanka ayaa sheegay ninkan oo u dhashay asal ahaan dalka Kuwait inuu kamid ahaa xubnihii wax kala socday weeraradii 911 ee ka dhacay dalkaasi, sidoo kalena abaabulay weeraro ka dhacay dalkaasi Kuwait. Maraykanka ayaa lacag gaareysa 7 milyan oo dollar dul-dhigay soo qabashada ninkan.

Warbixinta shalay kasoo baxday Pentagonka ayaa lagu sheegay in Muhsin al-Fadli uu la socday gaari ay duqeeyeen diyaaradaha Maraykanka, xili uu ninkaasi ku sugnaa magaalada Sarmada ee Waqooyi Galbeed dalka Siiriya.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise