Idaacad Beeleedda Mustaqbal oo Warar Iskhilaafsan ka qortay Dhacdadii Marka ka dhacday (Akhri Wararka).

Marko-(MMC)–wararka ka ay Idaacadda Mustaqbal ka heleyso  Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh. hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada Amisom iyo kuwo uu watay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed kaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Waafoow.

Khasaaraha dagaalkaasi oo saaka dhacay ka dhashay ayaa lagu sheegayaa in ugu yaraan ay ku dhinteen 11-8 ruux, lama garanayo sababta uu dagaalkan ku billowday.

Amisom ayaa dhawaan Dad rayid ah ku dishay Magaalada Marka kadib markii Qarax lagu weeraray islamarkaana ay howl gal kadib ay 5 Ruux ku dileen halkaasi.

Haye Warkan Xagee laga keenay? Ma idaacada is rogatay oo nooc kale noqotay?

Marko-(MMC)–Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwo Uganda ee ku suganMarka ayaa maanta dad shacab ah waxay ku dileen xaafadaha kala duwan ee Degmada xilli saake aroortii ay ku jarmaadeen xaafadaha ay dhibaateeyeen.

Ciidamada ayaa saaka aroor hore isku soo fidiyey xaafadaha kala duwan iyagoo markaasi doonayey inay sameeyaan howlagal ay ku yareenayaan qaraxyada inta badan lagu tuuro markay marayaan wadooyin laamaiga ah.

Dad la hadlay Idaacadda Mustaqbal  ayaa  sheegaya in qof kasta oo ay arkaan saaka ay dilayeen oo aan waxba loo kala reebin, inta badan ayaa dadka lagu dilay xaafadaha Beyturaas iyo Jujuumo ee Degmada Marka.

Waxaan Weydiinayaa Idaacad Beeleedda Mustaqbal Cadowtooyada Waafow loo qabo miyey qarsanweysay mise Mid gaar ahaaneed oo ay uqabaan Deegaanka ayaa jirta? Waa su’aal ku maqan Radiyaha Mustaqbal.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise