Diyaarado Dagaal oo Maanta Duqeymo ka Fuliyey Duleedyada Diinsoor iyo Baardheere.

Diyaarado ay leeyihiin Ciidamada Amisom ayaa maanta duqeyn xoogan ka geystay Duleedka Degmada Baardheere ee Gobolak Gedo.

Duqeynta ayaa lala eegtay Deegaanka Juungal oo qiyaastii 30 Km dhanka galbeed kaga beegan Degmada Baardheere.

Deegaanka Duqeynta lala beegsaday ayaa shalay waxa ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyey Ciidamada Amisom iyo kuwo  dowlada oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahaanada Shabaab oo deegaankan ka difaacanaya Baardheere.

Lama oga khasaaraha ay geysatay Duqeyntan oo lagu burburinayey Difaacyada Shabaab ay halkaasi ku leeyihiin.

Dhanka kale Duqeyn kale ayaa lasoo sheegayaa inay ka dhacday Duleedka Diinsoor ee Gobolka Baay.

Deegaanka Duqeynta lala beegsaday ayaa lagu magacaabaa deegaanka dhoobane oo u dhow Diinsoor.

Ciidamada amisom  ayaa bilaabay inay diyaarado dagaal ay u adeegsadaan qabashada degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo ka kala tirsan Gedo iyo Baay.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise