Mareekanka iyo Nigeria oo Iska Kaashanaya La dagaalanka Kooxda Boko Haraam.

Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa Isniintii loogu soo dhaweeyey aqlka Cad ee Madaxtooyada Maraykanka.

Madaxweynaha Nigeria ayaa safarkan u noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ku tago Mareekanka tan iyo markii loo doortay Xilka Madaxweyne nimo ee Dalkaasi.

Buhari ayaa kulan gaar ah la qaatay Dhigiisa Mareekanka ee Obama kaas oo ay ka wada hadleen sidii laysga kaashan lahaa ladagaalanka kooxda Bokaharam ee Wadanka Nigeria ka dagaalanta.

Obama ayaa u balanqaaday dowlada Nigeria inay ka taageeri doonaan dhanka sirdoonka iyo isgaarsiinta, isla markaana uu Maraykanka deeq bini’aadamnimo gaarsiin doono dadka ay waxyeelada kasoo gaartay weerarada ay wadaan Boko Xaram.

Madaxweyne Bohari ayaa dhankiisa sheegay in dhawaan uu soo afjari doono Kooxdan oo dagaalo xoogan kula jirta Dowladiisa, dhawaanna sheegtay inay ku biirtay Kooxda Daacish.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise