Maxaad kala socotaa Taariikhda madow ee Nuur Aduunyo iyo Cabdi Dheere?

Inkastoo kaaba-mooriyaanta ka howlgasha gobolka Sh.Hoose ay badan yihiin, noocyada dambiyada ay dadka deegaanka ka galeena ay isu egyihiin, haddana Nuur Aduunyo iyo Cabdi Dheer waxay safka hore kaga jiraan liiska dambiilayaasha ugu naxariista daran Kaaba-mooriyaanta Sh.Hoose.

Nuur Aduunyo iyo Cabdi Dheere waxay u geysteen dadka deegaanka Sh.Hoose falal isugu jira dilal, afduub, kufsi iyo guryo-gubis, kuwaas oo ay dhamaantood ka fuliyeen tuulooyin dhaca dhulka u dhexeeya degmooyinka Marka Iyo Jannaale,waana tacadiyo iyo falal waxshinimo ah oo ka baxsan bani’aadanimada oo maalin maalmaha ka mid ah maxkamad lagu soo taagi doono.

Haddaba, akhristow sadarada soo socda waxaan ku soo gudbin doonaa halka ay ka dhaceen qaar ka mid ah falalka waxashnimada ah ee ay ragaas geysteen iyo magacyada qaar ka mid ah shakhsiyaadka rayidka ah ee ay dhibaatada gaarsiiyeen.

Nuur Aduunyo iyo taariikhdiisa madow

Nuur Aduunyo waxa uu soo gaaray gobolka Sh.Hoose sanadkii 1993-dii, waxa uuna ka mid ahaa maleeshiyadii Jeneral Caydiid ee ka soo hayaamay gobolada dhexe, intii uu si xalaal ah irsaaqad ku raadsan lahaa, dadka,nabadna kula noolaan lahaa dadka Sh.Hoose ee ay duruufta baday,waxa uu isla sanadkaasba bilaabay dhibaateynta dadka gobolka Sh.Hoose, waxa uuna ku dilay nin ka mid ahaa dadka deegaanka oo lagu magacaabi jiray Cabdi Shiikh, kaas oo uu ku dilay Jannaale.

Nuur Aduunyo waxa uu sanadihii xigay noqday Kaaba-mooriyaan caan ah,oo uu ku muteystay falalkiisa arxandarida ah, waxa uuna qabsaday beero ay lahaayeen dadka deegaanka oo ku yaala inta u dhexeysa Ugunji iyo Busley.

Waxa uu isla aagaas ku dilay Siciid Aadan Maxamed oo beer aseendo ah ku lahaa halkaas,kana soo jeeda beesha Isaaq, kaas oo uu ka dhacay beertiisa.

Nuur Aduunyo waxa uu sidoo kale ka xoogay beer uu ku lahaa halkaas nin ka soo jeeda deegaanka oo lagu magacaabo Jibriil, kaas oo ay beertiisa ku tiil Liin, waxa uuna ka xirtay kaligii biyaha siin jiray beerta ilaa ay Liintii ka qalasho, qofkii lahaana uu isaga tegay, sidaana uu beertii ku qaatay.

Dhacdooyinka xanuunka badan ee Nuur Aduun uu ka geystay tuulooyinkaas waxa ka mid ah in uu ku qasbay haweeney lagu magacaabo Muumino Nuurow oo dadka tuulooyinkaas deganaa ka mid ah in si qasab ah ay uga shaqeyso beerta uu xooga ku heystay muddo badan, taas oo ay haweeneydaas ku shaqeyneysay duruufo adag, isagoo ugu hanjabaya in iyada iyo qoyskeeda uu dhibaato gaarsiin doono hadii ay rabitaankiisa yeeli weyso.

Nuur Aduunyo waxa uu ka mid ahaa ragii maskaxdooda ka soo maaxatay, ee asaasay maleesho arxandaran oo ay sameysteen kaaba-mooriyaanta Habargidir ee beeraha xooga ku heysta Sh.Hoose, waxa uuna ahaa asiga iyo Cabdi Dheere laba qof ee maamusha maleeshiyada ka howlgasha aaga Ceel wareegow, Busley ilaa Unguji iyo Siigaale.

Cabdi Dheere iyo magacyada dadkii deegaanka ee dilkooda mas’uul ka ahaa

Cabdi Dheere waxa uu la wadaagay Nuur Aduunyo falalka barakicinta iyo dilalka isugu jira ee ka dhacayay aagaga ay ka howlgalaan ee ku yaala inta u dhaxeysa tuulooyinka Ceel Wareegow, Busley iyo Siigaale, Cabdi Dheere ayaa sidoo kale gobolka Sh.Hoose soo gaaray burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre kadib, isagoo ka yimid gobolada dhexe.

Dilalka foosha xun ee marka la soo hadalqaado magaca Cabdi Dheere aan ka go’eyn maskaxda dadka tuulada Busley waxaa ka mid ah, dil uu ugu geystay aagaas nin deegaankaas ku dhaqnaa oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Barqash, kaas oo uu dilay mar uu Ibrahim ka soo baxay masaajid uu ku soo cibaadeystay, kadib dilka Ibrahim Barqash ayaa xaaskiisa waxa ay ka qaxday tuulada ninkeeda lagu dilay, iyadoo gaartay tuulo kale oo u dhow, waxaa haweeneydii uu ka dhintay Ibraahim Barqash uga dabategay tuuladii ay maciin biday maleeshiyo ka amarqaadata Cabdi Dheere, waxayna halkaas ugu geysteen kufsi iyadoo asaay xiran.

Cabdi Dheere waxa uu sidoo kale dilay nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Gaab oo 64 jir ahaa, beer Aseenda ahna ku lahaa agagaarka Busley, Maxamuud ayaa qabiil ahan ka soo jeeda beesha Isaaq.

Falalka barakcinta ah ee Cabdi Dheere uu ku argagaxinayo dadka deegaanka Sh.Hoose waxaa ka mid ahaa in maleeshiyo isaga daacad u ah ay gubeen guri ku yaala deegaanka siigaale oo uu lahaa nin ka soo jeeda dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cusmaan Yarow,waxaana ku dhintay gubista gurigaas wiil uu dhalay Cabdiraxmaan oo 10 jir ahaa.

Dabagalka ay ku sameysay shabakada markacadey taariikhda madow ee Cabdi Dheere waxa ay ku soo ogaatay in Cabdi Dheere iyo maleeshiyadiisa ay mudo bilooyin laga joogo ku dileen agagaarka tuulada Busley nin lagu magacaabo Cabdicasiis sheekh Siciid, kaas oo qoyskiisa halkaas beero ku lahaayeen.

Cabdi Dheere waxa uu ahaa shakhsiga ka mas’uulka ahaa gubista ay maleeshiyadiisa gubeen tuuloyinka Ceel-wareegow, Nagaadiweyne, Buulo-yarow, Garsweyne, Cusmaan Saalax iyo Sagaaroole oo dhammaan ku yaala aaga ay kooxda beeraha xooga ku heysata ee Habargidir ay u xilsaareen Cabdi Dheere iyo Nuur Aduunyo ee G.Sh.Hoose.

Falalka waxashnimada ah ee Nuur Aduunyo iyo Cabdi Dheere ka geysteen Sh.Hoose waa ay ka tira badan yihiin inta yar ee aan kor ku soo xusnay, waana kuwo aan ka soo xiganay dad goob joog u haa, waana kuwo maalin maalmaha ka mid ah lagula xisaabtami doono, maxkamadna lagu soo taagi doono, waxaana iyagoo cadeymahooda wata loo gudbiyay dhamaan hay’aha iyo dalalka caalamka si ay u diiwaan geliyaan.

Cabdi Dheere, Nuur Aduunyo iyo kuwa la mid ah waa kuwo ku naaxay dhiiga dadka Sh,Hoose, laakin waxaa nasiib daro ah in raga noocaas oo kale ah ay xukuumadda Xasan Culusow u diinwaan geliso in ay beeraley yihiin,taas oo cadeyneyso in xukuumadda Xasan Sheekh ay geed-fadhi u tahay kaaba-mooriyaanta dhibaatada ka wada Sh,Hoose.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise