Ciidamada Hubanta oo la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Raamo Cadey ee Duleedka Diinsoor.

Ciidamada Hubanta, ayaa waxay goor dhow la wareegen gacan ku haynta Deegaanka Raamo Cadey, oo qiyaastii 40km u jirta Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Ciidamadu waxay culeyska saarayan sidii Al Shabaab looga saari lahaa Degmada Diinsoor, iyadoo Maamulka Koonfur Galbeed uu diyaargarow ugu jiro Maamul uu ka hirgeliyo Degmadaasi, kolka laga saaro Shabaabka.

Dadka reer Diinsoor, ayaa waxaa la soo sheegayaa in intoodu badan ay u barakacayan Deegaanada Buulo-cadey, Gurbaan iyo Cadaad-gari, oo dhammaantood dhaca duleedyada Degmadaaasi. Sidoo kale waxaa jira dad u barakacaaya dhinaca Magaalada Muqdisho.

Degmada Diinsoor, ayaa waxaa la dhihi karaa waxay markaan wajahaysaa xaalad cakiran, ka dib muddo sideed sano ku dhow oo Ururka Al Shabaab, ay ka arriminayen Degmadaasi.

Madaxweynaha maamulka KGS Sharif Xasan ayaa goo sii horeysay ku goodiyay in AlShaaba arageeda lagu diimi doono.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise