Madaxweynaha Soomaaliya Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Danjiraha Britain ee Somaaliya.

Madaxweynaha Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjiraha cusub ee Boqortooyada UK  wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya Harriet Mathews.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii ka mahadceliyay taageerada mar walba ay Britain la garab taagan tahay Soomaaliya, oo uu sheegay inay muhiim u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya.

“Aad baan uga mahadcelineynaa Boqortooyada UK iyo Ra’iisul Wasaare David Cameron oo dadaal dheer u galey inuu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo xaaladda Soomaaliya. Dhab ahaantii waqtigaasi kadib Soomaaliya horumar la taaban karo ayay ku tallaabsatey’’.

Ms Mathews ayaa sheegtay in bilaha soo socda ay magaalada New York ku kulmi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare David Cameron, kulankaas oo ay kaga wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga labada dal.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise