Dagaal Xoogan oo hada ka socdo Deegaan ku dhowDegmada Baardheer ee Gedo.

Dagaal xoog leh ayaa hada waxa uu ka socdaa duleedka Degamada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyaa Ciidamo ka tirsan Shabaab iyo Ciidamada amisom iyo kuwo Dowlada kuwaas oo doonaya inay qabsadaan Baardheere.

Siday wararku sheegayaan dagaalka xoogiisa ayaa hada ka socda deegaanka Buuraleyda ah ee Juungal oo ku yaala Meel 30km u jirta Baardheere.

Weerarka ayaa sida lasoo sheegayo ku bilowday Madaafiic ay Ciidamada isgarabsanaya ay ku weerareen buuraleyda oo ay ku jiraan Ciidamada Shabaab islamarkaan madaafiicdu ay xigeen dagaal fool ka fool ah.

Deegaanka ayaa ah sida la sheegayo deegaan Buuraley islamarkaana aan si fudud lagu dhaafi Karin Ciidamada gabaadsanaya oo halkaasi ka difaacaya Baardheere.

Ciidamada Ithopia iyo kuwo Dowlada ayaa mudo Todobaad ah ku jira wadada isku xirta Baardheere iyo Faaxfaaxduun.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise