Degmada Diinsoor oo Kusoo Birtay Barakaca ka jira Baardheere (Warbixin).

Wararka ka imaanaya Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Barakac xoogan uu ka bilowday Degmada Diinsoor ee Gobolkaasi ka dib markii laga dareemay Guluf Colaadeed.

Inta badan Shacabka ku dhaqan Diinsoor ayaa isaga barakacay iyagoo ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo.

Shacab u badan Haween, Caruur iyo dad da’ ah ayaa lasoo sheegayaa inay naftooda uga baqanayaan colaada Diinsoor soo foodsaartay iyagoo maciin bidaya deegaanada kale ee naftooda ay ku nabad geli karto.

Sida lasoo sheegayo waxa haawanaya ganacsiga iyo isasocodkii wadooyinka iyadoona si weyn looga hadal haayo Gulufka Ciidmada Amisom iyo kuwo Dowlada ee ku wajahan Diinsoor.

Degmada Diinsoor ayaa ah Degmada labaad ee ugu weyn Gobolka Bay marka laga reebo Baydhaba, waxaa in muda ah maamulayey Xarakada Shabaab.

Diinsoor ayaa xuduud ballaaran la leh Deegaano ka tirsan Shabeelada hoose sida Degmada Qoryoole iyo Deegaano kale.

Sidoo kale Barakac lixaad leh oo ay sameynayaan Dadka shacabka ah ah ayaa maalmahan waxa uu ka jiray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Gobalada Bay iyo Gedo ayaa waxa ka jirey dhaqdhaqaaqyo Milateri oo ay wadaan Amisom iyo Dowlada oo iska kaashanaya ladagaalanka Shabaab.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise