R/Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka oo Gaaray Waqooyiga Maagalada Gaalkacyo.

Wafdi uu hugaaminayo R/wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa gaaray Waqooyiga Maagalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ujeedda R/wasaaraha ayaa weli kala cadeyn iyadoona warar soo baxaya ay sheegayaan in halkaasi uu kulamada uu kula soo qaadan doono Odayaasha dhaqanka ee ku kala sugan labada qaybood ee Galkacyo.

R/Wasaare Cumara C/rashiid oo kasoo kicitimay Magaalada Burtinle ayaa halkaasi kulamo kula yeeshay Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada halkaasi ku dhaqan isagoona sheegay in Xuduuda Puntland ay tahay mid ku cad Dastuurka Puntland.

Cumar ayaa sidoo kale sheegay in shirkii Cadaado uu isaga ka saaray ergo kasoo jeeda deegaanada Maamulka Puntland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Koonfurta Gaalkacyo uu gaaray Madaxweynaha Maamulka Muranka ka taaganyahay ee Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed islamarkaana lagu wado in halkaasi ay ku kulmaan Guuleed iyo R/wasaaraha.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise