Dagaalyahaano Shabaab ah oo Weerar ku qaaday Ciidamo Doonayey inay Gaaraan Degmo Shabaabku ku suganyihiin.

Wararka imaanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Ciidamo ka tirsan Amisom iyo kuwo Dowlada Fedaraalka eek a dhaqaaqay Duleedka Manaas.

wararka ayaa tilmaamaya in Gaadiid walxaha qarxa lagu soo xiray lala beegsaday Kolonyo ay wateen Ciidamada AMisom gaar ahaan kuwo Ithopia oo marayey meel u dhaxeysa deegaanada Farta aadan yare iyo Dharqo.

Warbaahinada ku hadla afka shabaab ayaa baahiyey Nin naftii hura ah oo wata gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey uu isku qarxiyey Kolonyo ay wateen Ciidamada amisom.

Ciidaman lala eegtay qaraxa ayaa kusii jeeday Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo ay gacanta ku hayaan Dagaalamayaasha shabaab.

Qaraxa ka dib ayaa lasoo sheegayaa inuu dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Xarakada Shabaab iyo Kuwa ithopia oo weerar ku ahaa Diin soor.

Gobalada Gedo iyo Bay ayaa wax aka socda gulufyo culaadeed oo ay wadaan Ciidamada Ithopiya iyo kuwo Dolada oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan Degmooyinka ay gacanta ku hayaan shabaab.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise