Dagaalyahaanada Shabaab oo dhaq dhaqaa Ciidan ka Wada Deegaano hoostaga Baraawe.

Wararka ka imaanaya qaybo ka mida ah Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in uu ka jiro dhaq dhaqaaq Ciidan oo aad u xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in deegaano hoos taga Degmada Baraawe ay soo buux dhaafiyeen Dagaalayahaano Shabaab ka tirsan

iyadoo inta badan deegaanada hoostaga Baraawe ay ku suganyihiin Ciidamada Xarakada shabaab ayaa hadana lasoo sheegayaa inay si weyn usoo buux dhaafiyeen.

Dadka dega deegaanada Baraawe hoos taga gaar ahaan Roobow, Eeriile, Mariin Gubaay iyo deegaano kale ayaa soo sheegaya dhaq dhaqaaqa ay wadaa shabaabku uu yahay mid baqdin geliyey.

Ciidamadan ayaa laga yaabaa inay weeraro ay kuqaadaan fariisimiyaal Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Baraawe iyo Ambareeso.

Xarakada Shabaab ayaa si weyn u kordhiyey weerarada ay ka geysanayaan Gobolka Shabeelada hoose oo ay ku xooganyihiin dagaalyahaanadooda.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise