Maxamed Xasan Xaad oo Ku baaqay in la joojiyo Dagaal kasoo Cusboonaaday Xarardheere.

Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah  qabqablayaasha kasoo jeeda Gobalada dhexe ayaa ku baaqay in la joojiyo Dagaal beeleed kasoo cusbooonaaday Deegaan hoos taga Degmada Xarar dheere ee Gobolk Mudug..

Xaad oo Dadka Soomaalida ay ku barteen hurinta Colaadaha ka jira Soomaaliya gaar ahaan Shabeelada hoose ayaa Maleeshiyaad Biishoosa  kasoo jeeda oo ku dagaalamaya Deegaanka Xarar ee Gobolka Mudug Miiska wadahadalka ugu yeeray.

“Waxaan leeyahay Miiska Wadahadalka isku yimaad, dagaal wax faa’ido ah malahan khasaaro waxaan ahayn kama dheefeysaan ee joojiya xabada aad isku rideysaan” ayuu ku cataabay Maxamed Xasan Xaad.

Qab qablahan ayaa Umada reer shabeelada hoose waxay ku xusuustaan hurinta iyo bogaadinta Colaada Maleeshiyaad Beeshiis ah ay ku hayaan Shacabka Gobolka Shabeelada hoose.

Maxamed Xasan Xaad iyo qabqablayaasha la midka ah ayaa afka furta marka uu dagaal ka dhaco Gobolka ay kasoo jeedaan iyagoo dhegaha ka fureesta dhibaatooyinka wiilashooda ay ka wadaan shabeelada hoose.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise