Laba sano ka dib suuqa Westgate oo dib loo furay (SAWIRO)

Maxaad ka xasuusataa suuqa weyn ee Westgate? Westage waxay ahayd dhismo weyn oo suuq ah inta badan ay ka dukameysan jireen dadka ku nool wadanka Kenya.
Suqaas mudo laba sano laga joogo waxa weerar qarax ismiidaamin ah ku soo qaaday kooxda Al Shabab, waxa meesha ku baaba’ay dhismihii suuqa,waxaana ku nafwaay ilaa 67 ruux iyo in badan oo dhaawac.

Maanta Sabti ah, ayaa waxaa dib loo furay Xaruntii ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi, ka dib muddo laba sano ku dhow oo dib u dhis lagu sameynaaya.

Suuqa Westgate, ayaa waxaa ka hawlgeli doono 25 Sarkaal oo xagga ammaanka iyo 55 askari, oo ilaalo ahaan loogu sameeyay. Waxayna ka tirsan yihiin Shirkadda G45. G45 waa shirkad madax bannaan oo dhinaca ammaanka qaabilsan oo saldhigeedu yahay magalada Nairobi ee wadanka Kenya.
.
Dhismaha suuqa Westgate waxaa xilligan loo sameeyay qalab casri ah, oo suurta gelinaaya in looga hortaggo qaraxyada.

Kumanaan kun oo ka mid ah bulshada ku nool Magaalada Nairobi, ayaa maanta oo keliya u dukaameysi tagey rugta ganacsiga Westgate. waxayna dadku soo dhaweeyen in markale dib loo furo rugtaasi ganacsi oo si caali ah loo sameeyay.

Bishan 25-keeda, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi uu gaaro Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, waana booqashadiisii ugu horeysay oo Kenya uu ku taggo, isagoo Madaxweyne ah.

Westgate

Westgate1 (1)

Westgate3

Westgate8


<img data-attachment-id=

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise