Iran's Supreme Leader Ayatollah Ali Khamenei speaks during the 16th summit of the Non-Aligned Movement in Tehran, August 30, 2012. REUTERS/Hamid Forootan/ISNA

Hogaamiyaha Iiraan “Xitaa Hadii Heshiiskan uu Hirgalo Majoojin doono sidaan uga soo hojeedno Daanndaansiga Mareekanka”.

Hogaamiyaha Ruuxiga ee Dalka Iiraan Ayatullah Ali Khumeyni oo ka hadlayey Heshiiska Taariikhiga ah ee ay wada Saxiixdeen Dowlaha lgu tiryo kuwa ugu awooda badan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu wax ka bedeli doonin Mowqifka Iiraan ee Bariga dhexe.

Khumeyni ayaa sheegay in heshiiskaas wax isbedel ah uu ku keeni doonin siday uga soo horjeedaan daandaansiga Mareekanka ee Bariga dhexe isagoona meesha ka saaray inay joojiyaan taageerada ay u hayaan Wadamada ku yaala Bariga dhexe.

“Xataa heshiiskan hadii la hirgeliyo maaha micnaheeda in aan joojin doono halgankii aan uga soo horjeednay siyaasada Maraykanka ee bariga dhexe waxaana sii wadi doonaa taageera aanu siino walaalaheen Falastiin, Baxreyn, Yemen, Siiriya, Ciraaq iyo Lubnaan” ayuu yiri hogaamiyaha ruuxiga ah ee wadankaasi Iran.

Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Dowlada Iiraan Ayatullah Ali Khumeyni ayaa noqoneysa qudabadii ugu horeysay ee uu jeediyo tan iyo markii heshiiska Hubka Niukleirka ay la gaareen Dowladaha ugu tunka weyn Dunida.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise