Goobaha ay Maamusho Kooxda Ahlu Sunnah iyo qaybo ka mid ah Shabeelad hoose oo Maant laga Ciidayo.

Degmooyin iyo Deegaano ka tirsan Gobolka Galgudud ayaa maanta oo ah Sabti ay u tahay Maalinta Koowaad ee Ciida.

Kooxda Ahlu Sunnah ayaa Shalay diiday inay dadka Ciidaan, iyadoona Maanta ku baaqay inay tahay Maalinta Ciida.

Magaalooyinka Dhuusa Mareeb, Guri Ceel, Caabud waaq, Xeraale iyo deegaano kale ayaa maanta dadku waxay isugu soo baxeen Fagaarayaasha si ay u muujiyaan Farxada Ciida.

Sameecado Codbaahiyayaal ah ayaa xalay waxa lagu dhex wareegayey Degmooyinka Kooxda ka Maamusho Galguduud.

Waxaa sidoo kale jira Deegaano ka tirsan shabeelad hoose oo Maanta dadka ku noola ay u ahayd Maalinta koowaad ee Ciida.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise