79 maxabiis oo cafis loo fidiyay Ciidul Fidriga awgeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis u fidiyay maxaabiis ku xirneyd xabsiga dhaxe ee magalada muqdishu.

Munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed ayuu madaxwynaha cafis u fidiyay maxaabiis tiradoodu dhan tahay 79 oo u badan dhalin yaro u xirnaa danbiyo kala gedisan, kuwaas xabsigoodu u dhaxeeyay sadx bilood ilaa shan sano.

Waxa la sheegayaa maxaabistaas oo ilaa hadda aan weli la deyn iyadoo rabo in la musuqmaasuqo, maxaabiista qaarkood la rabo in lagu bedelo rag ka tirsan Al Shabaab oo xabsiga ku jira.

Warar hoose ayaa sheegaya in cafiskii madaxweynaha loo bedelay kala gadasho baxaabiis iyo gorgortan ay wadaan rag Al Shaab dulaal u ah oo rabo in lagu bedelo rag muhim u ah AlShabaab oo ku xiran xabsiga dhaxe.

Waa la arki doonaa sida ay arintaan ku dhamaato in la marsiiyay wadadii saxda ahayd iyo in laga weeciyay.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise