Amiirka Al-Shabaab oo faray guutada Abu Zuber in ay kordhiyaan weerarkooda

Hogaamiyaha u sareeya Ururka Al Shabaab, ayaa markii ugu horeysay cod maqal ah oo laga soo duubay lagu baahiyay Baraha Internetka Ururka Al Shabaab ay ku faafiyaan wararkooda.

Sheekh Axmed Cumar Abu Cubaydah oo ka hadlaayay arimo kala duwan ayaa wuxuu soo hadal qaaday weerarada ciidamada Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho iyo deeganada kale,ku was oo bartilmaameedkoodu u ahaa ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

Abuu Cubeyda ayaa munaasabaddan halkaan ugu bishaareyneynaa umadda Muslimka ah dhismaha Guutada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay taas oo ah guutada Ashahiid Abuu Zubeyra Allaha ka aqbalo Shahaadadiisee- Waxaana ku dhiira gelineynaa geesiyaashooda bilowga xoogan ee ay ku dhaqaaqeen, Waxaana u direynaa tahniyad ku aadan Munaasabadda Ciidda, Waxaana ugu hambalyeyneynaa camaliyaatkoodii ugu dambeeyey ee gilgilay Tiirarka Kufriga.

Waxaan idiin leenahay horay u socda oo Kordhiya weeraradiina ka dhan ah Kufaarta, Waxaana Allah weydiisaneynaa in uu idiin xifdiyo, Hadafkiina iyo go’aankiina uu sugo.

Al Shabaab ayaa hadda u muuqata kuwo sii kordhiyaya weerarada abaabulan ee ay ku qaadayaan fadhiisama ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom, oo ay ugu danbeysay weerarkii degaanka Golweyn oo hoos tagta degmada Marka,kaas khasaaro ay gaarsiyeen ciidankii dawladda kana furteen gadiid dagaal iyo saanad militi

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise