Maxaa kasoo baxay Kulankii Deg Dega ahaa ee Kaaba Mooryaanta ay isugu yeerteen Buulo-Mareer.

Mudo Laba Maalin ah ayaa kulan deg deg ah waxa ka socday Deegaanka Buulo Mareer oo ay isugu yimaadeen Kaaba Mooryaano dadka ku dhibaateeyo Shabeelada hoose islamarkaana ay uga hadlayeen Culeyska ku foorara ayaa lasoo gaba gabeeyey.

Saan ugu baahinay Wararkeeni hore waxa ka qayb galayey Kaaba Mooryaano qaarkood kulanka joogay halka kuwo kalana ay kaga qayb galayeen qadka taleefanka.

Warbixno kala duwan ayaa meesha looga dhegeystay Xasan jaamici, Nuur jiido iyo kuwo kale oo ka warbixinayey guuldarooyinkii ugu dambeeyey iyo dharbaaxooyinka Maleeshiyaadkooda ay kala kulmayeen Ciidamada deegaanka.

Ilo Wareedyo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in Kulanka inta uu socday inta badan waxa eedo kulkulul loo soo jeediyey Kaaba Mooryaan Xasan Jaaci oo horkacayey duulaanaadii ugu dambeeyey ee ay ku jabeen.

Waxaa la weydiistay inuu meel ku sheego Dhowr qori oo uu ku jiro mid ka mid ah qoryaha Daran dooriga u dhaca ee Meelaha fog fog wax ka dila islamarkaana ahaa qori in badan lagu gumaaday Shacabka reer shabeelada hoose oo lagu qabsaday Dagaalkii Ceeljaale iyo Gaari isaga lagu qabsaday Buufowbacaad.

Waxaa loo sheegay Kaaba Mooryaanka in Habar gidir ay ka samri karto Mooryaan dhinta oo lasoo kireen karo laakiin ay ku adagtahay in Qoryo qiima badan ku fadhiya aan laga samri Karin.

Markii intaas loo soo jeediyey ayuu ku marmarsiyooday in dagaal looga qabsdayoo laga guuleystay hadii isagana uu ku guuleysan lahaa dagaaladaas gaariga iyo hubka looga furtay micnaheeda ay ahaan lahayd inuu Gacanta usoo geliyo deegaano muhiim ah oo ay aad u doon doonayeen.

Waxaa lasoo sheegayaa in loo qabtay Mudo usbuuc oo Amisom uu ku weydiisto Hubkii looga furtay Ceeljaale inuu ahaa Hub Dowladeed oo hada ay ku dhegenyihiin Saraakiishii isaga ka sareysay ama uu qaado dagaal ka dhan ah Ciidamada Beesha Biimal.

Jaamici ayaa sheegay in dagaal uu qaado iyo inuu u dacwoodo amisom ay u wanaagsatahay dacwada Amisom si deegaanka loogu cadaadiyo inay soo dhiibaan hubka iyo gaariga isagoo Maanka ku haaya in xilligan aan dagaal looga hortagi Karin Ciidamo iyaga weerar ah.

kaaba Mooryaan Cabdul oo isaga kulankaas qadka taleefanka uga qayb qaadanayey ayaa loo wakiishay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku raadiyo kooxihii dalaaliinta ahaa ee ay u adeegsan jireen Shirqoolka iyo shirarka been abuurka ah, isaga dhankiisa gudoon yiri hadalka loo soo jeediyey.

Xogta Shirkan laga helayo ayaa muujinaeysa in Fashil iyo burbur uusoo wajahay Madaxda Mooryaanta oo dharbaaxooyin kulul waayadan kala kulmayey Saaxaadka Dagaalka ee dhulka lagu xureynayo.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise