Faafaahino laga helayo Dagaal Culus oo Waqti qaatay oo Saake Aroortii ka dhacay Deegaanka Gol-weyn ee Gobolka shabeelada hoose.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Golweyn ee Gobolka shabeelada hoose ayaa sheegaya in Saake aroortii uu halkaasi ka dhacay Dagaal culus oo mudo saacada ah socday.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyey Ciidamada Dagaalyahaanada Shabaab iyo Maleeshiyaad lagu aruurinayey Golweyn oo shalay ilaa xalay laga kala keenay Deegaanada Buulo Mareer ilaa Baraawe u dhaxeeya.

Maleeshiyada oo isugu jirey kuwo lasoo kireeyey iyo Kooxo Xasan Jaamici uu ku heystay Buulo isla markaana lagu sheegeyo Milateri ayaa Ujeedkoodu ahaa inay usoo gurmadaan Maleeshiyaad si baqdin ku jirto ku jooga oo ku sugan Shalambood oo uu culeys saaranyahay.

Weerar gaadma ah ayaa saake aroor hore waxa ku qaaday Dagaalamayaasha Shabaab oo laba jiho ka weeraray.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay ay maqlayeen Rasaasta Culculus ee ka dhacda qoryaha Waaween ee garbaha laga tuuro.

Dagaalka ayaa socday waqti saacad ah kaas oo sida la sheegay geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Maleeshiayada weerarka lagau qaaday.

Firxadka Maleeshiyada ayaa gaaray deegaano Koonfurta ka xiga Buulo Mareer, waxaana halkaasi looga furtay Gaari Cabdibila ah iyo Gaari kale oo lagu sheegay Rooneed.

Mudo Laba Saac iyo Wax ka badan ayaa Gol-weyn waxa Maamulayey Dagaalyahaanada Shabaab oo ugu dambeyn deegaanka uga baxay dhinaca Bari.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise