Madaxweynaha Soomaaliya oo habalyo u diray shacabka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa xalay habalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diaray umadda Soomaaliya, kana codsay in ay is cafiyaan, dib u heshiisiintana qaataan, adkeystana midnimadooda iyo dawladooda/
Mudane Xasan asaga oo la hadlaayay siyaasiyiinta ayaa waxa uu ka codsaday in ay iska dhaafaan wax duminta iyo in gadaal la iskaga xanto ee ay u soo jeestaan in ay xoojiyaan dawladda, dawladnimada ayaa lagu gaaraa hamiga siyaasadeed ee qofka uu rabo.
Madaxweyne Xasan waxa kale uu sheegay in gacanta ugu jirin dawlanimada koox gaar ah iyo urur gaar ee ay tahay mid ay Soomaali wada leedahay.
Mar uu ka hadlaayay Hiigsiga 2016 ayaa waxa uu sheegay in maanta hadda la joogo ay waxba isku tuusneyn sida ay wax u dhacayaan 2016, sida uu noqonaayo codka muwaadinka, laakiin ay rajeynayaan berri in ay noqoto maalin arimahaas xal laga gaari doono.
Kuwa nabada ka soo horjeedo in ay nabada qaataan iska daayaan dhibaateynta shacabkooda.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise