Kaaba-mooryaanta oo Kulan Deg Deg ah isugu Yeertay Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelada hoose.

Kulan deg deg ah oo looga tashanayo culeysyada baaxada leh ee kusii kordhaya maleeshiyada Kooxda dhulbalaarsiga ayaa hada waxa uu ku socdaa Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in kulankan ay ka qayb qaadanayaan Kaaba Mooryaano caan ah oo ku sugnaa qaybo ka mid ah gobolka Shabeelada Hoose.

Siday tilmaameyso xogta aan ka heleyno kulanka ka socda Buulo Mareer waxa ka qayb qaadanaya Kaaba Mooryaanta kala ah: Xasan Jaamici, Nuur Jiido iyo rag kale oo aan magacyadooda aan helin iyo Mooryaan isku sheegta Gudi Beeraley oo xoog ku heysta Beero ay leeyihiin dad shacab ah oo ku yaala Degmada Jannaale.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay jiraan Kaaba Mooryaan kale oo kulanka ka maqan laakiin uga qayb galaya qadka telefoonka, si ay taladooda uga dhiibta fadhiga deg deg ah ee ay isugu yeerteen.

Ilaha aan kasoo xiganay warkan ayaa inoo sheegaya in kulankan looga hadlayo culeyska awooda badan ee Kaaba Maooryaanta kasoo fuuley ciidamada deegaanka oo maalmihii ugu dambeeyey horumaro kasameenayey dagaalo ay la galeen maleeshiyada lasoo qadlay.

Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici ayaa kulankan ka hor soo jeediyey in fariisin ballaaran ay ka sameystaan deegaanka Gol-weyn ee duleedka Buulo Mareer, si halkaasi looga difaaco Buulo iyo Baraawe oo weli xoog ay ku joogaan mooriyaanta, taasi bedelkeedna xal siyaasadeed oo shirqool ah lagu dayo in deegaanada kale oo Marka ay qayb ka tahay, sidaa lagu joogo oo xilligan aan la heli karin awood lagu sii joogo ama lagu soo celiyo deegaanada hadda gacantooda ka baxay iyo kuwa ay wel welka qabaan inay waayaan sida Shalambood.

Kooxo kale oo lacago baad ah ka bartay beeraha ay xooga ku haystaan ee Janaale ku yaala ayaa arinkaasi ka horyimid,iyagoo sheegaya in Biimaal aan markani xal siyaasadeed iyo Shirqoollo aan lagu dayi karin oo uu soo jeedo, taasna ay suuragelineyso in dhulkaas oo dhan la waayo sidaas darteedana ay lagama maarmaan tahay in  la muujiyo dhaq dhaqaaq culeyska laysaga khafiifinayo.

Taasi waxa ka hor yimid sida lasheegayo horjoogayaasha maleeshiyada ee xabada la hor istaagay ciidamada deegaanka oo qiimeeyey awooda ciidamada deegaanka iyo hamiga ay ka leeyihiin inay u istaagin wax kasta oo la sheego oo aan ahayn in dhulkooda ay xabad kusoo ceshtaan.

Kulanka ayaa hada weli socda,lama ogaan karo qodobada rasmiga ah ee laga soo saari doono ee ku aadan celeyska ciidamada deegaanka ay ku hayaan goobaha tirada yar ee ku haray gacanta maleeshiyadan.

Sida la saadaaliyey waxay u badan tahay in la raaci doono talada Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici oo kasii quustay in dagaal markan lala hortago ciidamada Beesha Biimaal, islamarkaana la sameen doono xal ka duwan mid dagaal oo haatan ay tabar u haaynin maleeshiyadii lasoo qaldi jirey oo weli xusuusta ku haya waxay kala kulmeen dagaalada sida indha la’aanta ah loo soo gelinayey.

Ciidamada deegaanka ayaa gadaal iska mariyey shirqool kasta oo ay soo jeediyaan Odayaasha ismagacaabay oo markaan aad moodo inay iyaga xitaa kasii quusanayaan heshiis beenaadyadii dadka ay ku mashquulin jireen.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise