Duqeyn Diyaaradeed oo lagu Dilay Saraakiil Alshabaab oo ka dhacay Gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saake aroortii Duqeyn diyaaradeed lala eegtay Kolanyo Gaadiid oo ay la sodeen Saraakiil shabaab ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday Duleedka Degmada Baardheere halkaasoo ay marayeen Saraakiil Shabaab ah oo watay Gaari nooc yar yar ah.

Duqeynta ayaa sida ay soo wariyeen dadka deegaanka waxa fuliyey Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn, ee Meelaha Fog fog laga maamulo.

Hugunta Gantaalada lagu dhuftay Gaariga ayaa si weyn looga maqlay Deegaanada duleedyada ka ah Baardheere.

Waxaan si dhab ah loo ogaan Karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarka Diyaada hase ahaatee war madax banaan ayaa sheegaya in laba sarkaal ay ku geeriyoodeen Duqeynta.

Wakaaladaha Warark Reuters ayaa baahisay in Duqeynta lagu Dilay Saraakiishii laga eegtay eek a tirsan Dagaalamayaasha Shabaab.

Ciidamada Dowlada iyo kuw Amisom ayaa doonaya inay la wareegaan gacan ku heynta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise