Jihaadiistayaal kasoo kala Jeeda Soomaaliya iyo Britian oo Ku geeriyoodey Dagaalo ka dhacay Siiriy iyo Ciraaq.

Wargeyska Dail Mil ayaa soo daabacay warbixin uu ku sheegay in Muwaadiniin u kala dhashay Wadamada Britain iyo Soomaaliya lagu dilay Dagaalo ka dhacay Ciraaq iyo Siiriya.

Muwaadiniintan ayaa ka bar bar dagaalamayey Kooxda Daacish oo wadamadaas ka dagaalanta.

Ku dhawaad 60 Muwaadin ayaa ku geeriyoodey dagaal iyo falal isqarxin ah kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeda Wadamada Soomaaliya iyo Boqortooyada Britain.

Wargeska ayaa qoray in saddex dhalin yaro oo soomaali ah oo lagu kala magacaabo Abu Musa Al- sonmali, Abu Djarda Al-somali iyo nin kale oo la yiraahdo Abdu Abdullahi Alxabashi  ay ku dhinteen dagaalo ka dhacay waqooyiga dalka Syria kuwaasi oo qaarkood ay ku jiraan duqeymo uu mareykanka ka fuliyey dalkaasi Siiriya.

Kooxdan Daacish ee Fadigeedu yahay Wadamada Siiriya iyo Ciraaq ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxa ku biirayey dhalanyaro Soomaali ah.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise