Mullah Omar oo ku Baaqay Wada hadal uu la galo Dowlada Afgaanistaan

Fariin maqal ah oo uu soo dhigay barta internetka ayaa hogaamiyaha kooxda Daalibaan Mullah Omar u ku sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal ay yeeshaan Daalibaan iyo Dowlada Afgaanistaan.

Fariinta ayuu ku sheegay in Diin ahaan wax dhibaato ah ay ku jirin in wadahadal lagalo.

Wadahadaladaas ayuu ku sheegay mid wado u ah soo afjarida dagaalada Afgaanistaan iyo joogista ciidamada shisheeye ee hlakaasi ku sugan.

Howlgalka Nato ayaa lasoo afjarey dhamaadkii sanadkii aynu kasoo gudubnay Bishoo December, hase ahaatee ciidamada ayaa weli jooga gobolada Afgaanistaan.

Warbaahinta dibadda ayaa si aad ah u hadal haysa fariinta hogaamiyaha Kooxda Daalibaan oo dagaal kala soo horjeeda dowladda wadanka Afgaanistaan iyo ciidamada ka garab dagaalamaya.

Dowlada Bakistaan ayaa horey u waday wada hadalo u dhaxeeyey dowladda iyo kooxda Daalibaan.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise