Xagee buu ku Dambeeyey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Koonfur Galbeed Xog (Warbixin).

Madaxwyne ku xigeenka maamulka Koonfur galbeed oo in muda ah la sugayo ayaa waxa soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan cidda noqon doonta ama la siin doono Jagadaas iyo sida laga yeelayo awood-qaybsiga maamulka Koonfur galbeed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ah jagada labaad ee ugu miisaanka culus golaha fulinta ee K.Galbeed, shakhsiga nasiibka u helaana uu noqon doono mas’uul miisaan ku dhax yeesha hogaanka maamulka.

Markii la dooranayey madaxweynaha ayaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Koonfur galbeed waxa u taagnaa Maxamed Xasan Fiqi oo hada ah wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Koonfur Galbeed.

Warar lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxaya Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in dhawaan isku shaandheynta golaha Wasiirada uu meel u ridi doono shakhsiga noqon doona madaxweyne ku xigeenka.

Xogta ayaa tilmaameysa in Shariif Xasan uu doonayo in qof ka soo jeeda beesha Biimaal uu qabto laba jago midood:tan koowaad ayaa ah:Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dhawaan la dhisi doono iyo tan kale oo iyadana ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka K.Galbeed. Hadii ay dhabowdo arintaas waxay ka dhigantahay in Beesha Biimaal ay weyn doonoto jagada madaxweyne ku xigeen oo horey ay ugu taagneyd.

Shaxdan ayaa waxa ka wada hadlay Madaxweyne Shariif iyo Hogaamiyaha Odayaasha fadhigooda yahay Muqdisho Ibrahim Cali Xaaji.

 Shariif ayaa horey si gooni gooni ah balanqaadyo ugu sameeyay Madoobe Nuunow oo kasoo jeeda Beelaha Awdigil iyo Beesha Biimaal uu ku qanciyey in uu siin doono madaxweyne ku xigeenka kowaad.

Siyaasiyiin ayaa horey uga digay dhagaraha Shariif Sakiin markii uu lasoo shir tagayey magacaabida Wasiirada ku sifoobey tira badnaan iyo taya la’aan.

Arintan ayaa hadii ay rumowdo dhabar jab weyn waxay ku tahay beelaha Shabeelada Hoose, gaar ahaan Beesha Biimaal.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise