Ciidamo Madani ah iyo Maleeshiyaad ka amar qaata Kaaba Mooryaanta oo Maanta ku dagaalamay Degmada Afgooye.

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal uu halkaasi ka dhacay.

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamo Madani ah iyo Maleeshiyaad ka amar qaata Kaaba Mooryaanta Isbaarooyinka ku caanbaxay ayaa yimid ka dib markii Madaniga Degmada ay ku amreen inay qaadi karin wax canshuura ah oo iyaga aan hoostagin.

Ciidamada madaniga ayaa fariisin ku lahaa Buundada Afgooye,halkaas oo lacago ay kaga qaadi jireen Gaadiidka halkaasi isticmaalaya hase ahaatee maleeshiyada Kaaba Mooryaanta ayaa kasoo horjeestay lacago iyaga ay qaadeenin inay jiraato.

Madaniga degmada ayaa ka horyimid amarka maleeshiyada oo ku aadanaa in wax canshuur ah oo iyaga aan hoostagin la qaadi karin, waxaana sidaa ku bilowday dagaal waqti kooban qaatay.

Xaalada ayaa hada lasoo sheegaya inay tahay mid degen ka dib markii la kala dhexgalay kooxihii dirirta u dhaxeysay.

Weli lama soo sheegin khasaaraha dagaalkii maanta ka dhacay Buundada Degmada Afgooye.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise