Xaalada Baardheere oo Kacsan iyo C/hi Fartaag oo ku hanjabay inay Hareeraha ka fadhiyaan.

Xaalad kacsanaan ah oo tii hore ka duwan ayaa laga dareemayaa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Baardheere oo in muda ah ay maamulayeen Xarakada Shabaab ayaa hada waxa ku wajahan guluf colaadeed oo aad u xoogan oo kaga imaanaya Ciidamo Itopiayan ah iyo luwo Soomaaliya.

Waxaa lasoo sheegayaa in Seddax jiho ay soo fariisteen huwanta huwan ku laalaeysa Baardheere taasi bedelkwwdana Ciidamad shabaab iyagana ay soo buuxdhaafiyeen Difaacyada ay Baardheere kaga sugnaayeen.

C/hi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Axmed Madoobe ayaa ku goodinaya in Baardheere ay hareereeyeen ayna doonayaan in waqtiyada dhow ay gudaha u galaan.

Shabaab ayaa horey ugu hanjabtay inay difaacanayaan Degmada kaliya ee ay kaga suganyihiin Gobolka Gedo, iaydoona warar madaxbanaan ay sheegayaan in Xaasaskooda iyo ciyaalkooda ay kala baxeen hadii ay suuragal noqoto in lagala wareego Baardheere.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise