Alshabaab oo Cafis u fidiyey Maxaabiis ay ku hayeen Xabsiyo Ku yaala Gobolada Bay iyo Bakool.

Siday baahuyeen Warbaahinta ku hadasha Afka Xarkada Alshabaab ayaa sheegaya in maxaabiis badan oo ku jirtay gacanta Shabaab laga sii daayey xabsiyo ku yaala Gobalada Bay iyo Bakool.

Tirada Maxaa biista lasii daayey ayaan si rasmi ah loo shaacin hase ahaateen Markay ka hadlaysay warbaahintan waxay ku sheegtay Boqolaal Maxaabiis ah.

Gudoomiyaha Alshabaab u qaabilsan Gobalada Bay iyo Bakool ayaa atilmaamay in maxaabiista ay sii daayeen ay ugu talagaleen inay eheladooda kula ciidaan farxada Ciida.

Sanad walba Bisha Ramadaan ayaa Shabaabku waxay xabsiyada ay gacanta ku hayaan waxay kasii daayeen maxaabiis dambiyo kala duwan u xirneyd.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise