Odayaal iyo Waxgarad lagu wado inay Maanta gaaraan Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada.

Odayaal iyo Waxgarad kasoo jeeda Deegaanada Shabeelada hoose ayaa lagu wada inay Maanta gaareen Degmada Nambar 50 ee Gobolka shabeelada hoose.

Ujeedka Odayaashaa ayaa lagu sheegay inay kulamo kala duwan ay halkaasi kula soo qaadan doonaan qayabaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka Deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Markacadey u sheegay in Odayaasha ay ka midyihiin Ugaas Axmedey Ugaas Siid Cali, Nabadoon Maxamed Abuukar Tima Guduud, Ugaas Faarax Cabdi Sheekh iyo Odayaal kale oo caan ah.

War aan ka helnay Degmada Nambar 50 ayaa sheegaya in diyaar garow ku aadan Safarka Odayaasha uu ka socdo halkaasi islamarkaana la filayo in kulan ballaaran uu halkaasi ku qabsoomi doono.

 Si rasmi ah looma oga waxa kulankaasi looga hadli doono balse warar hoose ayaa sheegaya in laga wada hadli doonao sidii dadka deegaanka ay uga tashan lahaayeen danahooda iyo Masiirkooda.

Sanadihii ugu dambeeyey ayaa Odayaal ismagacaabay oo geed fadhi u ah Kaaba Mooryaanta soo duushay ayaa xarun ka dhigtay Hotellada Muqdisho oo Biil ku qaata dhibaateynta Shacabka ay kasoo jeedaan.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa insaha allah.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise